Booqashada Safiirka Taiwan ee Dekedda Berbera

Berbera() Waxaa Saaka 08/11/2020, Soo Gaadhay Dekedda Berbera, Safiirka Taiwan u Jooga JSL, Mr. Allen C. Lou iyo Wefti Balaadhan oo u Hoggaaminayay. Weftiga Safiirku Hor-kacaayay Waxa Xafiiskiisa ku qaabilay Maareeyaha Guud ee Hay'adda Dekedaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Siciid Xassan Cabdilaahi.

Maareeyaha iyo Weftiga Taiwan, Waxay ka wada hadleen Xoojinta Xidhiidhka Saaxiibtinimo ee ka dhexeeya Dalalka Taiwan iyo Jamhuuriyadda Somaliland, Gaar ahaan Iskaashiga Dhinaca Dekedaha iyo Hawlaha Maraakiibta.

Kulankan oo ku soo gabo-gaboobay is afgarad.