Maareeyaha Hay'adda Dekedaha JSL oo Magaalada Djibouti kaga qaybgalay Madasha 24 aad ee iskaashiga Dekedaha Qaaradda Afr

Maareeyaha Hay'adda Dekedaha JSL, Mudane Siciid Xassan Cabdilaahi, Waxaa uu Magaalada Djibouti kaga qaybgalay Madasha 24 aad ee iskaashiga Dekedaha Qaaradda Africa.
Kulankan oo markii ugu horaysay lagu soo marti qaaday Hay'adda Dekedaha JSL, waxa ka qaybgalaya Wufuud kala duwan, Madaxda Dekedaha Africa iyo khubaro dhinaca Dekedaha ah.
Kulankan oo sannadkiiba hal mar la qabto waxaa lagu falanqeeyaa sida loo horumarin lahaa adeegyadda iyo kaabayaasha Dekedaha Africa.