
ISS oo wakiil u ah Shirkadda Maersk ayaa Beenisay in Arrimo Amni ama Sharciyeed Sabab u Yihiin Hakinta Ku-meel-gaadhka ah ee Adeegyada Booking ee Dekedda Berbera
ISS oo wakiil u ah Shirkadda Maersk ayaa Beenisay in Arrimo Amni ama Sharciyeed Sabab u Yihiin Hakinta Ku-meel-gaadhka ah ee Adeegyada Booking ee Dekedda BerberaCadayn la xidhiidha in sababo farsamo awgeed si ku meelgadh ah loogu hakiyay adeegyada booking badacadah ka imanaya ama u socda dekeda Berbera ee shirkada Mearsk qaban jirtay.
Waxa la caddeynayaa in hakinta ku-meel-gaadhka ah ee adeegyada booking ee xamuulka u socda ama ka imanaya Dekedda Berbera aanay la xidhiidhin wax dhibaato ah oo dhinaca hawlgalka, amniga, ama nidaamka sharciyeed ee dekedda ah. Dekedda Berbera weli waa marin ganacsi oo istaraatiiji ah oo muhiim u ah isku xidhka ganacsiga gobolka.
Hakintan waxay si gaar ah uga dhalatay:
Caqabado ku yimid isku xidhka shabakadda maraakiibta (network) iyo adeegyada feeder-ka
Hakad ku yimid adeegii ugu dambeeyay ee keenayay xamuulka Berbera
Iyo in aan hadda la heli karin xal kale oo feeder ah xaaladaha suuqa ee jira awgood
Sidoo kale:
Waxaa jirta yaraanta awoodda maraakiibta (tonnage)
Iyo korodhka kharashaadka hawlgalka, taas oo keentay go’aan adag oo ah in si ku-meel-gaadh ah loo joojiyo aqbalidda booking-ga
Si kastaba ha ahaatee:
Waxaa la diyaariyey xalal kale oo ku-meel-gaadh ah, sida safarro gaar ah (ad hoc sailings) si loo fududeeyo sii socoshada adeegyada
Xamuulka waxaa lagu qaadi karaa habab kale iyadoo la eegayo suurtagalnimada hawlgal, amniga, iyo helitaanka agabka
Shirkaddu waxay:
Xaqiijinaysaa inay ka go’an tahay Dekedda Berbera
Isla markaana si joogto ah u qiimeyn doonto xaaladda si dib loogu bilaabo adeegyada marka xaaladaha suuqu hagaagaan
