
Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Somaliland, Mudane Cali Diiriye Axmed, iyo Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda ayaa xafiiska Maareeyaha Dekedaha ku qaabilay Maareeyaha Hay’adda Aag
Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Somaliland, Mudane Cali Diiriye Axmed, iyo Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda, Mudane Abokor Cawil, ayaa xafiiska Maareeyaha Dekedaha ku qaabilay Maareeyaha Hay’adda Aagga Ganacsiga Cashuuraha Ka Caagan (Free Zone), Mudane Cabdirisaaq Iidle Sheekh Cabdi, iyo Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Free Zone-ka, Mudane Cabdirisaaq Ruush.Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqaynta iyo iskaashiga ka dhexeeya labada hay’adood, si kor loogu qaado adeegyada iyo shaqooyinka ay qaranka u hayaan. Masuuliyiintu waxay isla qaateen muhiimadda ay leedahay isku xidhnaanta hawlaha dekedaha iyo aagga ganacsiga cashuuraha ka caagan, taas oo door weyn ka qaadan karta koboca dhaqaalaha iyo horumarinta ganacsiga dalka.
Sidoo kale, waxa ay masuuliyiintu adkeeyeen in wada shaqayn dhow iyo isfaham buuxa ay horseedi doonaan dardar gelinta adeegyada loo fidiyo bulshada iyo ganacsatada, isla markaana ay sare u qaadi doonaan waxtarka hay’adaha qaranka.
