Maareeyaha Hay'adda Dekedaha JSL, Mudane Siciid Xassan Cabdilaahi, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka dhammaan Shaqaale weynaha Dekedaha JSL

Maareeyaha Hay'adda Dekedaha JSL, Mudane Siciid Xassan Cabdilaahi, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka dhammaan Shaqaale weynaha Dekedaha JSL, waxa uu dhambaal
Hambalyo u dirayaa shacbi-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland munaasibada maalinta xoriyadda ee 26-ka juun awgeed. Maalintan 26-ka juun ee qiimaha badan ugu suntan shacbi weynaha Somaliland, waa dharraartii qaranku xoriyadiisa ka qaatay maxmiyadii Ingiriiska ee dalka haysatay, taasi oo ay ka soo wareegtay 61 sanno xiligii waddanku ka xoroobay xukunkiisa iyo joogitaanka dhulkeenna.
Maareeyuhu waxa uu shacbiga Somaliland Alle uga baryayaa in uu sannadkan sannadkiisa innagu gaadhsiiyo wadajir, wax-wada-qabsi, horumar, nabad iyo barwaaqo joogto ah.