Xadhig ka-jarka Dhismaha Balaadhinta & Casriyeynta Dekedda Berbera

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa Maanta xadhiga ka-jaray Balaadhinta iyo Casriyeynta Dekedda.
Munaasibadda xadhig-ka-jarista marsada Berbera oo ay madaxweynaha kala qaybgaleen wufuud caalami ah oo ka kala timi dalal kala duwan oo dunida ah oo ay kamid yihiin wefti Imaaraatiyiin ah oo uu hoggaaminayo maamulaha guud, ahna guddoomiyaha shirkadda DP World, Mudane Suldaan Axmed Bin Sulaym, Wefti ballaadhan oo ka socda dalka Itoobiya oo uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda dawladda Federal-ka Itoobiya, Mudane Axmed Shide oo ay wehelinayaan Wasiirka gaadiidka Marwo Dagmawit Moges Bekele Iyo Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxumed Cumar iyo xubno wefti ah oo uu hoggaaminayo ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Guinea Bissau Mudane Baciro Dja, wefti ka socda dalka Kenya, Safiirrada Somaliland u fadhiya dalalka aynu deriska nahay iyo Taiwan, diblumaasiyiin caalami ah, guddoomiyaha maxkamadda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Aadan Xaaji Cali Axmed, hoggaanka sadexda xisbi qaran ee KULMIYE, WADDANI iyo Maareeyaha Maareeyaha Hay'adda Dekedaha JSL, Mudane Siciid Xassan Cabdilaahi, xubno kamid ah Golaha Wasiirrada, Xildhibaanno iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxana halkaas laga jeediyey hadallo salka ku haya muhiimadda ay dekeddu u leedahay guud ahaan bulshada geeska Afrika iyo gaar ahaan shacabka reer Somaliland iyo kaalinta ay ka qaadanayso kor-u-qaadista dhaqaalaha iyo kobcaha dakhliga dadweynaha iyo dawladahaba.
Ugu horrayn Maareeyaha Hay'adda Dekedaha Somaliland, Mudane Siciid Xasan Cabdilaahi oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday horumarka ballaadhan ee ay Dekeddu ku tallaabsatay iyo kaalinta ay ka qaadan doonto shaqo-abuurka iyo isu socodka badeecadaha kala duwan ee dunida isaga gooshaya.
Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire, ayaa isaguna sharraxay faa’iidada ay ballaadhinta marsada Berbera u leedahay bulshada reer Somaliland iyo bulshooyinka geeska Afrika ku dhaqan, waxana uu tilmaamay inay dhaqaalaha Somaliland horumarin doonto.
Wasiirrada maaliyadda iyo Gaadiidka ee dawladda Federal-ka Itoobaiya, Mudane Axmed Shide iyo Marwo Dagmawit Moges oo halkaas ka hadlay, ayaa iyaguna si isku mid ah u ammaanay horumarka ay Jamhuuriyadda Somaliland ku tallaabsatay iyo kaalinta ay ka qaadanayso fududaynta iyo horumarka gancsiga dalka Somaliland iyo Itoobiya ka dhexeeya.
Madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxumed Cumar, ayaa khudbad uu halkaas ka jeediyey si gaar ah diirradda ugu saaray faa’iidada ay shacabka dawlad-deegaanku ka filayaan ballaadhinta marsada caalamiga ah ee Berbera iyo sida ay u xoojinayso ganacsiga labada shacab ka dhexeeya.
Guddoomiyaha, ahna maareeyaha guud ee shirkadda DP World, Mudane Axmed Suldan Bin Sulaymaan, ayaa isaguna ka sheekeeyey muhiimadda ay dekedda Berbera u leedahay gobolka, isaga oo tilmaamay inay shirkad ahaan u hagar baxeen casriyeynteeda, islamarkaana ay u dhammaystireen wax kasta oo ay deked caalami ahi u baahan tahay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda soo afmeeray, ayaa ugu horrayn si kal iyo laab ah usoo dhaweeyey wufuudda caalamiga ah iyo saaxiibbada Somaliland ee kasoo qayb-galay furitaanka wejiga koowaad ee ballaadhinta dekedda Berbera, kuwaas oo isaga kala yimi daafaha adduunka.
Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in ballaadhinta dekedda Berbera kor u qaadayso ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah, isaga oo madaxda shirkadda DP World uga mahadnaqay sidii ay ugu dhabar-adaygeen culaysyadii la saaray,“ Hawsha inoo qabsoontay waxay kor usii qaadaysaa horumarka dhaqaalaheenna, soo jiidashada maalgashiga caalamiga ah iyo shaqo-abuurka, waxana aan u mahadnaqayaa Dawladda Imaaraadka Carabta oo ku dhiirratay inay Adduunka intaas le’eg geliso dalkeenna Somaliland, iyada oo waqtigaa ay dawlado badani ka hor yimaaddeen oo ay duufaanno colaadeed ku kiciyeen inaan dekedda la dhisi Karin, waxan si gaar ah ugu mahadnaqayaa Suldaan oo ah maareeyaha DP World oo u dhabar adaygay culays kasta iyo cadaadis kasta oo ku yimi,”.
Madaxweynuhu waxa uu farriin muhiim ah u diray shacabka reer Somaliland oo usoo jeediyey inay ka faa’iidaystaan dekedda loo dhisay ee la ballaadhiyey, muujiyaanna ilbaxnimo, aaminaad, furfurnaan, soo dhaweyn, shaqo-wanaag iyo hawl-fufudayn, karti iyo dedaalna kaga qaybgalaan tartanka dunida ka socda.